Puntland oo waaran soo-qabasho u jartay siyaasiyiin xilal soo qabtay

Published: May 17, 2023
Shares2

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Yuusuf Taaraan ayaa sheegay in ay waaran soo qabasho u jareen 4 qof oo kamid ah Siyaasiinta gobalka Nugaal.

Siyaasiyiintan ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Sanaadiiqda codbixinta ee Garoowe, kaas oo dhimasho iyo dhaawac geystay habeen kahor.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in ay amreen in maxkamad la horkeeno xubnaha kala ah, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Dhammaan xubnahan ayaa ah Saaxiibadii hore ee Madaxweyne Siciid Deni, ku dhistay Madaxweyne-nimada Puntland 2019-kii, iyagoo ka horna ahaa saaxibo siyaasadeed.

Horseed Media