Putin oo uga digey Poland in ay dagaal ku qaadaan Belarus

Published: July 21, 2023

Madaxweynaha Ruushka ayaa si cadho leh uga jawaabay ka dib markii wasiirka gaashaandhiga Poland uu u diray ciidamo ilaaliya xuduudka bari

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Poland oo aan la magacaabin inay ku riyoonayaan dhulalka Belarusia, wuxuuna sheegay in weerar kasta oo lagu qaado xulafada Moscow ay ula dhaqmi doonaan sidii weerar lagu soo qaaday Ruushka.

Ka dib markii Poland ay ka falcelisay imaatinka ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee Belarus iyadoo qaar ka mid ah ciidamadeeda u rartay xuduudkeeda bari, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Warsaw inay isku dayeyso inay qabsato dhul badan oo ku yaal bariga Yurub.

Putin wuxuu sheegay inay jiraan warbixinno ku saabsan samaynta cutub ciidamo ah oo ka kooban dalalka Polish-Lithuania ah oo ka hawlgeli doona galbeedka Ukraine. Waxa uu sidoo kale ka digay in weerar kasta oo lagu qaado Belarus, oo ah xulafada kaliya ee Moscow ee Yurub, loo qaadan doono weerar ka dhan ah Ruushka.

“Waa la og yahay inay sidoo kale ku riyoodaan dhulalka Belarusiya,” ayuu yiri Putin.

Isagoo ka hadlayay shirka Golaha Ammaanka ee Ruushka, ayuu Putin sheegay in Ruushku uu ku jawaabi doono “wax kasta oo aan awoodno.

Horseed media