Qaar ka mid ah Musharaxiinta Puntland oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka

Published: August 8, 2018

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Puntland ayaa Maanta oo taariikhdu aheyd 8 August 2018 la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe,

Musharaxiinta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa kala ah :
1. Khaliif Ciise Mudan
2. Cabdi Faarax Juxaa
3. Cali Xaaji Warsame.

Kulanka waxaa qeyb ka aheyd sida la sheegay Jamiilo Muuse oo uga baaqatey duruuf deg-deg ah oo la soo deristey, balse ku biirisay mowqifkeeda kulanka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay ku isku-xog wareysanayeen Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Baarlamanaka Puntland, iyadoo Musharaxiinta ay Guddoomiyaha Baarlamaanka kala hadleen arrimaha doorashada, gaar ahaan waqtiga doorashada Madaxweynaha ee 8 Janaayo, Guddiga Khilaafaadka, Amniga guud ee xilliga doorashada iyo abuuridda jawi munaasib ah doorashadu ku dhacdo iyo dowrka golaha wakiiladda.

Musharax Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Arrimihii ay ka wada hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ay si buuxda isula jeex-jeexeen si waafi ah oo niyad-sami ah, inta badana isku aragti ay ka ahaayeen.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *