Qaramada Midoobay oo $9.5 Milyan u qoondaysay ka hortagga gaajada Soomaaliya

Published: August 4, 2022
Adam Abdelmoula

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa u qoondaysay $9.5 milyan oo dollar Soomaaliya si gargaar bini’aadinimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku dhaqan meelaha gaajadu ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula iyo isu-duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay ka dib xilli roobaadkii afraad oo hoos u dhacay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in xaaladaha abaareed ee sii kordhaya ay saameeyeen in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *