Qaramada Midoobey oo ku baaqday in loo gurmado Pakistan oo la daallaa dhacaya dhibaatada fatahaadaha

Published: September 10, 2022
Shares22

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres oo booqasho ku joogga dalka Pakistan ayaa ku baaqay in loo gurmado dalkaasi, oo la daallaa dhacaya dhibaatada fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ku qaabilay xafiiskiisa, waxayna ka wada hadleen xaaladda fatahaadaha halakeeyay dalkaasi iyo sidii Pakistan looga gacan siin lahaa.

Xoghayaha ayaa shir jaraa’id ka sheegay in fatahadahaan ay ugu wacan yihiin waxyeelada uu aadanuhu ku hayo deegaanka.

“Pakistan waxay ka mid tahay meelaha uu sida daran u saameeyay cawaaqibka ka dhashay is bedelka cimilada.” Ayuu yiri Guterres, waana xilli dalkan qiiqa uu hawada ku sii daayo lagu sheego boqolkiiba hal (1%), marka loo eego qiiqa ay hawada ku sii daayaan dalalka warshadaha ku horumaray.

Xoghaye Guterres ayaa muddada uu dalkaasi ku sugan yahay waxa uu qiimeyn doonnaa, inta uu le’egyahay khasaaraha baaxadda leh ee dalkaasi ka soo gaaray qulqulka fatahaadaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *