Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay degmada Afgooye

Published: September 12, 2022
Shares120

Qarax xoogan ayaa goordhoweyd ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas jugtiisa laga maqlay in badan Xaafadaha degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay suuqa Qudaarta ee Afgooye, gaar ahaan goob ay fariisan jireen ciidanka waaxda Canshuuraha ee degmadaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, waxaana socdo baaritaano dheeraad ah.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo, weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado ciidamada dowladda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *