Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Jowhar

Published: July 17, 2022
Goobta uu Qaraxa dhacay

Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, gaar ahaan hotel lagu magacaabo Nuur doob oo inta badan ay dagaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wariyayaasheena magaaladda ayaa soo tabinaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, oo laga maqlay guud ahaan magaaladda Jowhar, isla markaana uu ka dhashay khasaare xooggan,

Goobaha caafimaadka iyo laamaha amniga ayaa wada gurmad loo sameynayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *