Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: June 11, 2023

Wararka ka imaanaya magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay isgoyska Zoope. Qaraxa ayaa ka dhashey gaari lagu soo xirey bom, kaas oo uu watey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Wararku waxay sheegayaan in dhaawac soo gaarey sarkaalka gaariga watey oo lagu magacaabo Nasiib Daahir Cabdi.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka ay xirneyd waddada Maka Al-Mukaramo oo la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana loo xiray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi oo xaflad uga qayb-galaya isbitaalka weyn ee Madiino.

Qaraxyada noocan ah ayaa ku soo badanaya Muqdisho, waxaana dhawaan sidaas oo kale bom gaarigiisa loogu xirey mid kamid ah gacan yarayaasha siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur.

Horseed Media