Qardho: Deeq raashin ah oo la gaarsiisay qoysas ka soo barakacay dagaalka Laascaanood

Published: March 9, 2023

Gudigga Gurmadka dadka ay saamaysay Colaada Laascaanood ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaarsiisay deeq raashin ah qoysaska ku sugan Qardho ee ka yimi Laascaanood.

Deeqdaan ayaa isugu jirtay noocyada kala duwan ee raashinka aasaasiga, sida bur, bariis, sonkor, timir iyo kalluun taas oo loogu talagallay qoysaska ay colaaduhu soo barakiciyeen.

Sheekh Fuaad Maxamuud Xaaji oo kamid ah gudigga gurmadka dadka Laascaanood ayaa ku baaqayna in Reer Laascaanood loo soo gurmado.

Dhankooda dadkii la gaarsiiyey deeqdan ayaa ka mahadceliyey iyagoo sheegay inay aad ugu baahi qabeen.

Horseed Media