Qardho: Guddiga TPEC Iyo Dallada PUNSAA Oo La Kulmay Hogaanka Dhaqanka Iyo Culimada

Published: August 24, 2021

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) oo kaashanaya dallada ururada bulshada aan dowliga ahayn ee Puntland PUNSAA ayaa maanta kulan la qaatay isimada, odayaasha iyo culimada magaalada Qardho.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa sidii hogaanka dhaqanka iyo culimada loogu wacyigelin lahaa inay door muuqda ka qaataan nidaamka dimuqraadiyada ee Puntland ku talaabsatay iyo qabsoomida doorashada qof iyo cod ee kusoo wajahan degmada Qardho.

Guddoomiye kuxigeenka dallada PUNSAA, Mustafa Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha guddiga TPEC ee gobolka Karkaar Maxamuud Ismaaciil ayaa odayaasha iyo culimada la wadaagay shaqooyinka iyo dadaalada socda ee doorashada, halka dhanka kale duqa degmada Qardho Cabdi Siciid iyo guddoomiyaha gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ay kula dardaarmeen hogaanka dhaqanka inay qaataan doorkooda doorashada.

Ugu dambayn Isimadii iyo culimadii kasoo qaybgalay kulanka ayaa isku raacay in loo wada istaago hirgelinta doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka degmada Qardho.

Magaalada Qardho ayaa kamid ah seddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo la qorsheeyey in lagu qabto doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay laga qabanayo deegaanada Puntland, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *