Qardho: Hooyo lagu eedeeyay inay dishay caruur ay dhashay oo la xiray

Published: May 3, 2023
Shares14

Ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan kuwa degmadda Qardho ayaa xiray hooyo lagu eedeeyay inay dishay laba caruur ah ay dhashay.

Xalay ayaa isbitaalka guud ee Qardho la geeyay meydadka labada caruur kuwaas oo sida la sheegay ay ka war heleen dadka dariska oo ah.

Warka kasoo baxay Booliska Degmada Qardho ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo dishay laba ciyaal ah oo dhashay.

Labada caruur ayaa kala ahaa Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay Hal bil iyo 5 cisho.

Horseed Media