Qatar: Meel fiican ayuu marayaa heshiis lagu soo deynayo La-heystayaasha!

Published: November 20, 2023
Shares22

Qatar ayaa wada waan-waanta u dhaxeysa Israel & Xamaas ee lagu soo sii deynayo maxaabiista labada dhinac.

Raysalwasaaraha Qatar Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani ayaa Axaddii shalay sheegay in wadahadalka uu meel fiican marayo.

Sheikh Mohamed ayaa shir jaraa’iid la qabtay Madaxa arrimaha dibada ee EU-da Josep Borrell oo Dooxa booqday.

“…Wax yar uun baa hada ka harsan, kaliya waxa la isku hayo waa arrimo farsamo, waxaana rajeynaynaa in laga gudbo arrimaha weli dhiman…”

Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani

Xamaas ayaa horey u sheegtay inay diyaar u tahay inay sii deyso maxaabiista ay heso oo ah shacabka.

Balse Xukuumada Israel ayaa la sheegay inay ka cago-jiideyso arrintaasi maadaama aysan dhankooda rabin inay siidaayaan maxaabiista ay ka hayaan Falastiiniyiinta.

Horseed Media