Qof Ismiidaamiye Ah Oo Isku Qarxiyey Maqaaxi Ku Taalla Muqdisho

Published: November 17, 2020

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qof Ismiidaamiye ah oo isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey gudaha maqaaxi ku taala degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.

Qarax oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaan si dhab ah loo cadeyn karin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay, isla markaana waxaa socda gurmad xoogan.

Ciidamada Booliska ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa meesha uu qaraxaasi ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *