Qof loogu diley Muqdisho sabab la xiriirta tima-jaridda.

Published: April 5, 2024
Shares6

Mid kamid ah dilalkii ugu yaabka badnaa ayaa ka dhacay maalintii Arbacada ee todobaadkan magaalada Muqdisho, kadib markii nin ka tirsan ciidanka Milteriga Soomaaliya uu qof shacab ah ku dhex diley goob ganacsi oo ahayd Timajare, degmada Dharkeyley.

Askari ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qofka shacabka ah uu ku dhex dilay goob timaha lagu jarto, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in askariga uu doonayay in isaga timaha loo jaro ka hor ninka shacabka ahaa oo ku fadhiyay kursiga timaha lagu jarto.

“Askariga dilkageystey oo hubeysan ayaa tagay goob Timajare ah nin ayaa ka horeeyey wuxuu ka dalbaday inuu ka horumaro ninkii ayaa diiday intaas ka dib askariga qorigiisa ayuu la baxay halkaas ayuu ninkii ku dilay” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan.

Askeriga dilka foosha xun geystey ayaa lagu magacaaba daa’uud Bashiir Colow

Cabdifitaax Aadan oo ah afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay falkaan uu askariga ku dilay muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in sharciga la horkeeni doono askariga dilka geystay.

“Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee amaanka iyo shacabka ayaa gacanta ku dhigay askariga oo baxsad ah sharciga ayaana la soo taagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Iyada oo lagu jiro bishii barakaysneyd ee ramadaan ayaa dilkaani noqdey mid dadka argagax ku rida taas oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay faya qabka dadka hubka sita.

HORSEEDMEDIA