Boqoradda UK Queen Elizabeth II Oo Geeriyootay iyada 96 sano jir ah

Published: September 8, 2022

Boqoradii Britain Elizabeth Il oo da’deedu ahayd 96 sanno ayaa geeriyootay caawa, sida uu shaaciyey qasriga Buckingham Palace.

Boqoraddan oo ahayd boqorrada ugu muddada dheer UK ayaa xukunka haysay muddo 70 sano ah, iyadoo talada la wareegtay markii uu geeriyooday aabaheed Boqor George, sanadkii 1952-dii.

Prince Charles, oo ah curadka caruurta boqorad Elizabeth Il ayaa noqonaya boqorka boqortooyada, isagoo haatan da’diisu tahay 73 sanno.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *