R/W Xamse Cabdi Barre oo Sii-hayaha Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya kala hadlay adkaynta xiriirka labada dal

Published: July 18, 2022
Raysalwasaare Xamse iyo Safiirka jbuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Sii-hayaha Safiirka ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *