R/W Xasme “Doorashada qof & codka ah ee Puntland burbur bay keenaysaa”

Published: May 8, 2023

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ee golayaasha degmooyinka Puntland ay doonnayso in ay qabato 25ka bishan May ay tahay mid halis badan oo keenaysa burbur iyo kalatag.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in Odayaashii dhaqanka ee soo xulayay xildhibaanada ay tahay in lagu laabto.

“Doorashada qof iyo codka ah ee Puntland burbur bay keenaysaa, sidii lagu soo caano-maalay ee xulida odayaasha dhaqanka ayaa ah GeediCaano leh waa in sidaas lagu socdaa, oo laysla ogol yahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan ogoleyn doorasho aysan isla ogoleyn in ay ka dhacdo Puntland, isagoo horey u soo hogaamiyey doorashadii Jubbaland ee August 2019-kii, taas oo kala qeybisay Jubbaland ilaa maantana khilaafkeedu taagan yahay, xili ay kasoo horjeeday dawladda Faderaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo ka hor, sheegay in Puntland ay 24 maalmood gudahood ku burburayso, haddii aan la joojin doorashooyinka qof iyo codka ah, oo uu sheegay in aan heshiis lagu aheyn.

Horseed Media