Ra’iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxweynaha Tanzania

Published: July 27, 2023

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wsaare Xamse ayaa ka codsaday dowladda Tanzania inay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada xubnaha aan Joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweynaha dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dhameystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqbashay, isla markaana farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeeyo.

Mudane Xamsa ayaa Madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Madaxweynaha Tanzania, martigelinta shir madaxeedkan ahmiyadda gaarka ah u leh bulshooyinka qaaradda Afrika.