Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi oo ka badbaaday iskuday dil

Published: November 7, 2021

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ka badbaaday isku day dil kadib weerar lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Ugu yaraan lix qof oo ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi oo la tilmaamay in lagu fuliyay diyaarad nuuceedu yahay Drone oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Warbaahinta gudaha Ciraaq ayaa sheegtay in Al-Kadhimi loo qaaday isbitaal,inkastoo qoraal la soo dhigay baraha bulshada ay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uu dadka ugu baaqay in ay muujiyaan deganaan .

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lala beegsaday guriga Ra’iisul Wasaaraha oo ku yaalla aagga cagaaran ee ay ku howlgalaan dowladda iyo safaaradaha shisheeye.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *