Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Published: July 22, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar ka daah-furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 250 qofood.

Halkudhigga Shirweynahan ee sanadkaan ayaa ah “Jihaynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay horumarka dalka, iyo midnimada Qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa xooga lagu saarayaa kaalinta muhiimka ah Qurba-joogta iyo jiheynta awoodooda maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka.