Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga tira-koobka & soo celinta hantida qaranka

Published: May 13, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo muhiimadda siinaya soo celinta Hantida Qaranka ee ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991, ayaa magacaabay Guddi ka kooban8 xubnood, oo ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda.

Magacyada Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka ayaa kala ah:

  1. Abshir Cumar Jaamaca Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda.
  2. Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  3. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cali, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.
  4. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud.
  5. Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
  6. Dr Cismaan Cilmi Guuleed, garyaqaanka guud ee Qaranka.
  7. Abshir Maxamed Axmed (Buqaari) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada.
  8. Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, soo celinta hantida Qaranka, ayaa loo kala hormarinayaa duruufaha loo qabo, in lagu fuliyo adeegyada Bulshada, ama baahida ay dowladu u qabto inay ku fuliso shaqo Qaran.

Horseed Media