Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre oo gaaray Magaalada Tunis ee caasimada dalka Tunisia

Published: August 27, 2022
Shares10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Tunis ee caasimada dalka Tunisia.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Tunis ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaasi, Imed Memmich.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimadda Tunis uga qaybgeli doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD), kaas oo maanta ka furmaya magaaladaasi, iyadoona uu socon doonnaa labada cisho ee ina soo aaddan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Tunisia ku tegay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadeed, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *