Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ka hadlay warkii ka soo baxay Golaha wadatashiga qaran

Published: May 28, 2023
Shares48

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale oo ka hadlay war-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha wadatashiga qaran ayaa wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay heshiiska cusub ee doorashada Soomaaliya.

Madaxdan ayaa waxay sheegeen inuu uga sii darayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Raysal wasaarihii hore ee dalka iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay heshiiskan doorasho oo ay xalay wada gaareen golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Cadiweli Gaas ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid aan u cuntami karin ummadda Soomaaliyeed iyo wacyiga maanta lagu jiro.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid sun kusii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore…nidaamkii xisbiyada badanna oo la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay, waxa ay sun ku sii daraysaa xaaladda siyaasadeed ee dalka.” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid

Horseed Media