Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Saalax Axmed Jamaac oo xilka la wareegay

Published: August 9, 2022
Shares132

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Saalax Axmed Jamaac iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Saalax Axmed Jaamac in allah u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *