Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Guddiga Gurmadka Abaaraha faray in la dedejiyo howllaha gurmadka

Published: August 30, 2022

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn.

Saalax Jaamac ayaa warbixin ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa faray in howllaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *