RW Rooble oo hambalyo u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la doortay

Published: November 1, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 11aad ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in maanta ay si rasmi ah u bilaabato doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.

Rooble ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona rajeeyay in ay guul kusoo dhamaadaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *