Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Published: November 10, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble, ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen, si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *