Ra,iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kormeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka ee gobolka Hiiraan

Published: August 25, 2022
Shares6

Ra,iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta soo kormeray Ciidamada Xoogga Dalka ee howlgalada ka wada gobolka Hiiraan.

Ra,iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidamada la wadaagay inay garab taagan yihiin.

Sidoo kale waxa ay u sheegaan inay u diyaar garoobaan xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cadi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maaanta safar ay ugu kuurgelayaan xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *