Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Masar uga qeyb gelaya shir caalami ah

Published: May 22, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa halkaas kaga qaybgalaya shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Sidoo kale Shirka ayaa madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa safarkam ku wehlinaya xubno katirsan golahiisa Xukuumadda.

Horseed Media