Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo saddex qodob kala hadlay Culimada Soomaaliyeed

Published: August 23, 2022
Shares36

Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa talooyin dhaxal gal ah ka dhagaystay culimaa’udiinka, wuxuuna tilmaamay in kaalinta muhiimka ah ee ay culimadu ku leeyihiin nabadda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradaasi.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa horyaalla wax ka qabashada Amni darrada, Dhaqaalaha, Dib u heshiisiinta & fulinta qodobo kale oo uu ballanqaaday kahor inta uusan soo xulan Golihiisa Wasiirada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *