Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo safarkiisii ugu horreeyey ku tegaya Beledweyne

Published: August 25, 2022
Shares50

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii la magacaabay ku tegaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha oo ay kamid yihiin taliyaha ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa hab maamuuska ayaa shalay gaaray magaalada Bedweyne.

Sidoo kale wefigaas waxaa kasii horreeyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegnaada gobolka Hiiraan.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha nololeed ee ka jira Hiiraan iyo dadar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *