Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay in lasoo afjaray dagaalkii dowlad deegaanka

Published: July 27, 2022
Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay dagaalka dowlad deegaanka ee u dhexeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka gudbay xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa boggaadiyey sida ay ciidamada dowlad deegaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay uga hortageen duulaanka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in laga adkaaday, isla-markaana soo afjaray dagaalkii ka socday dhulka dowlad deegaanka.

Sidoo kale wuxuu si guud baaq ugu diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan dowladdooda, si loogu guuleysto sugidda amniga guud ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ee dhulka dowlad deegaanka ay dagan tahay, waxaana dagaalladii ugu dambeeyey ay ka dhaceen dhinac degmada Feer-feer oo ku taalla xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *