Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay labo mashruuc caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaas oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada Dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen wakhti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen argagxisadu ay baahi weyn ka jirto.
“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.
Xamse Cabdi Barre ayaa ugu danbeyn sheegay in lagula xisaabtami doono hey’adaha hirgelinaya mashaariicdani, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.
Mashaariicdan waxaa maal geliaya baanka Adduunka waxaana ku baxaya boqolaal milyan oo dollar.
Horseed Media