Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfurey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP)

Published: May 22, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025-2029, kaas oo xambaarsan rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca horumarka dalka iyo dadka.

Ra’iisule Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalka iyo dadka, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.

“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.

Soomaaliya ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Ra’iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), ayaa Wasaaradda qorsheyntu sheegtay in uu horseedi doono hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.