Ra’iisul Wasaare Xamse oo Danjiraha Sweden kala hadlay xoojinta xariirka & iskaashiga labada dal

Published: August 11, 2022
Shares188

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo  qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *