Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay weerarkii ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Published: September 3, 2022
Shares2
Xamse gobolke hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xame Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, musaafiriin ah la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan”.

Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii dadkaasi aan waxba galabsan, isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *