Ra’iisul Wasaare Xamse oo QM kala hadlay taakuleynta dadka abaartu saameysay 

Published: August 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan kooban saaka la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan gargaarka iyo taakuleynta dadka abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa uga mahad celiyay Qaramada Midoobay taageerada ay siiso Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *