Ra’iisul Wasaare Xamza oo la kulmay Xildhibaanad Ilhaan Cumar

Published: September 19, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.