Ra’ila Odinga oo ‘Aqbalay’ go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya

Published: September 5, 2022
Shares52

Musharrixii doorashada lagaga guuleystay ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in uu ixtiraamayo go’aan kasoo baxay maxkamadda sare oo ay ku taageertay guushii uu ka gaaray musharraxa kale ee la loollamay doorashada ee William Ruto, inkastoo uu sheegay inuusan Maxkamada ku raacsaneyn habka ay wax u xukuntay .

“Waxaan mar walba u taaganahay sarreynta sharciga iyo dastuurka, arrintaasi waxaan ku ixtiraameynaa fikirka maxkamadda, in kasta oo aan si weyn uga soo horjeedo go’aankooda maanta,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray kadib go’aan mideysan oo ay maxkamaddu gaartay.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Go’aankan waxaa si wadar ah u gaaray 7 Garsoore, oo ay u dhan yihiin, Ma jirin cadeyn muuqata oo sheegaysa in doorashada la musuq maasuqay, Doodii guddiga doorashada iyo Tirintii cododka waa ku raacnay inay u dhacday hab waadix ah oo lagu kalsoonaan karo, khaladaadka yar yar ee dhacay maaha kuwo saameyn ku yeelan karay natiijada, sidaa awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa in Murashax William Ruto uu helay in ka badan 50.49% cododka, sida dastuurka qeexayo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha

Maxkamada Sare ayaa diiday 9kii kiis ama dacwad oo ay soo gudbiyeen mucaaridka, waxayna dib u tirisay waraaqaha codbixinta ee 41 seejooyin codbixinta, iyadoo lala barbar dhigay xogtii ku jirtay serverka kaydka cododka, kuwaasi oo aan khalad weyn laga arag. Waxaana sidoo kale la waayey doodii kooxda Raila ee ahayd in dalal shisheeye faro geliyeen qalabka ay guddiga doorashada ku shaqeenayeen sida Serverka iyo qalabka lagu xaqiijinayey dadka diiwaangashan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *