Raysal Wasaare Rooble Oo Dhagax-dhigay Qeybtii 2aad Ee Dhismaha Isbitaalka Yardimeli

Published: February 9, 2021

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Mashruuca balaarinta isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Yardimeli ee magaalada Muqdisho waxaa maalgelinay hey’ad Turki ah.

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay isbitaalka ayaa waxaa ka qeybgalay, mas’uuliyiin  ay kamid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiir ku xigeenka caafimaadka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Isbitaalka Yardimeli, oo ku yaala degmada Xamar Jajab, waxaa horey u dhistay hey’ad laga leeyahay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *