Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeeray Xerada Tababarka Ciidamada Ee Turkiga

Published: November 5, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Saraakiisha Turkiga tababarka ay siinayaan Ciidamada.

Rooble oo kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ayaa ku tilmaamay ciidamadda ka soo baxa qeybaha tababarka ee kuliyaddan rajada iyo tusaalaha dib-u-dhiska ciidammada iyo dib-u-soo celinta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

” Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan xooggan oo ka difaaca cadowga, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanku idiin qabo, Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinta, dalka, dadka iyo dowladda, Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Turkiga kaalinta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha iyo soo celinta ciidankii Soomaaliya “

RW Rooble

Sidoo kale raysalwasaare Rooble iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo u guur-galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *