Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: March 30, 2021

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo talaado ah xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Kulanka dhexmaray Raysal Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka oo weli madaxda aysan heshiis rasmi ah ka gaarin.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa Maxamed Rooble u sheegtay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada, isal markaana Madaxad dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay Shir isugu yimaadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *