Raysal Wasaare Xamse iyo Yoshimasa Hayashi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Published: August 28, 2022
Xamse iyo Yoshima hayashi TICAD8

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxdey afhayeenka xukuumadda , labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Dalka Japan ayaa kamid ah dalalka taagerada iyogargaarka ku bixiya Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Shirka TICAD oo maalintii shalay ka furmey dalka Tuuniisiya ayaa lagu wadaa in maanta la soo gebagebeeyo.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *