Raysal Wasaare Xamse oo Dhagaxdhigay Xarunta Gurmadka Degdega

Published: June 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, oo loogu talagalay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Horseed Media