Raysal Wasaare Xamse oo Furay Shirka Shirka Hirgelinta Hanaanka Federaalaynta

Published: May 31, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, oo loo dhanyahay, laguna kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska,  looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka go’an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana  tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.

Horseed Media