Raysal Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Guddiga Cadaaladda Ee Golaha Wasiirada XFS

Published: June 5, 2023

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan tiirka Caddaaladda oo soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa tiirka iyo howlaha hadda horyaala.

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.

Horseed Media