Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xuska Maalmaha Xoriyada

Published: June 6, 2023
Shares4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah:

  • Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac
  • Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)
  • Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre
  • Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye
  • Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige
  • Wasiirka Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Horseed Media