Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo Puntland ku wajahan: safarkiisi u horeeyey.

Published: August 9, 2022
Shares974
Xamse Cabdi Barre safar Puntland

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi-Aar ayaa qorshaynaya safarkiisi u horreeya in uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Maalinta arbacada ah ee 10 Agoosto, ayaa lagu wadaa in qaar badan oo kamid ah golihiisa wasiiradu ay xilka kala wareegaan Wasiiradii hore, kuwaas oo qaar kamid ah uu ka qaybgeli doono sida xog ogaal u sheegay Horseed Media.

Ma cadda in Raysalwasaare Xamse Cabdi uu sugi-doono inta Madaxweyne Xasan ka soo noqon doono safarka Uganda iyo in uu maalinta khamiista ah Garoowe ka degi doono.

Xasan Sheekh ayaa booqdey laba Dowlad goboleed ka hor inta aanu magacaabin Raysalwasaaraha waa Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Inkasta oo aysan banaanka u soo bixin waxaa muuqata in qaar badan oo Dowlad goboleedyada ah aysan la dhacsaneyn qaabka ay Dowladdu TAREENKEEDA u waddo oo bilowgii oo dhan Madaxweyne Xasan keli ku ahaa shukaanta.

Raysalwasaaraha ayaa xukuumadiisa hor geeyey baarlamaanka maalintii Axadda ee 7 Agoosto, laakiin buuq ka dhacay Xamse ma jeedin khudbadiisi ku saabsaneyd barnaamijkiisa wax qabad, Xildhibaanadana ma weydiisan codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda, inkasta oo ay gacanta u taageen Xildhibaano ka badan 200, kadib markii shir-guddoonku go’aamiyey in loo codeeyo bilaa khudbad.

Raysalwasaaraha waxaa u taala sidii uu wada shaqeyn wanaagsan ula yeelan lahaa Dowlad goboleedyada halkii la isku mashquulin lahaa in dagaal siyaasadeed iyo isbeddel maamulkoodi lagu mashquuli lahaa.

Dhanka kale safarkiisu waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo ay Puntland ka jirto abaar aad u ba’an oo saameysey dad iyo duunyo, taas oo u baahan wax ka qabad degdeg ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxan So dhaweynaya warbahinta HorseedMedia oo ayamahan aay kamuqato dardar cusub,waxa dhici jirtay waqti badan ka lumay,oo wararka Horseed media ahayen warar ladaboco waqti danbe oo aan lobahnan,waxan sojedinaya,wararka horsed media in aay ahadan warar Deg Deg ah si lo xiseyo,& warar xaqiqda ku dhisan,oo tifaftiran.