Raysalwasaare Xamse oo Dowladda Shiinaha uga mahad celiyey taageerada joogtada ah

Published: March 26, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Shirka waxaa ka qaybgalay erada Shiinaha ee Soomaaliya, sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Cali Balcad iyo la taliyaha rayslwasaaraha Drs Hodan Osman.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

Dowladda Shiinaha ayaa bishan Maarso 2024 bixisay 15 milyan oo dollar oo gargaar ah, sidoo kale Wasaaradda caafimaadkaee Soomaaliya ayaa Shiinaha kala wareegtey agab caafimaad ee gargaarka degdegga ah. Gargaarkaas ayaa xoojiniya adeegyada caafimaadka degdegga ah ee Soomaaliya, waxaana lagu caawin doonaa dadka nugul.

Horseed Media