Raysalwasaare Xamse oo la kulmay jaaliyadda Soomalida Tanzania

Published: July 26, 2023

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta Afrika ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga warbixiyey Jaaliyadda guulaha xukuumadda Dan-qaran ee ku aadden dowlad-dhiska Soomaaliya, dib u xoreynta dalka, deyn cafinta, kobcinta dhaqaalaha, arrimaha horumarinta bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda ku aadden horumarka dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ka dhageystay xubnaha Jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalka Tanzania iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay sida ay isugu duuban yihiin, islamarkaana ay wada-shaqeynta dhow ula leeyihiin Safiirka Soomaaliya u fadhida dalkaas marwo Sahra Cali Xasan iyo guud ahaan Safaaradda.